Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, July 28, 2010

Saraakiil ka tirsan K/Afrika oo loo xiray dhac u geysteen dad Soomaali ah.

Ku dhawaad 5 sargaal oo ka tirsanaa ciidamada dowladda K/Afrika ayaa la xirey kadib markii lagu eedeeyay in ay dhac u geysteen goobo ganacsi oo ay lahaayeen ganasatada Soomaalida ee ku sugan S/Afrika.
 
Afar Sarkaal oo ka tirsan waaxda ka hortagga dambiyada dalka Koonfur Afrika ayaa la qabtay kadib markii lagu eedeeyay in ay xatooyo u geysteen dukaan ganacsato Soomaali  ah ay ku leeyihiin gudaha dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan xaafadda  Maphinda ee deegaanka Du Noon.

Suleymaan C/qaadir oo ah walaalka ganacsadaha laga dhacay lacagaha ayaa waxaa uu sheegay in rag ku labisan dareeska Booliska dalka Koofnur Afrika oo watay  gaari 4x4 ay dhaceeen dukaanka walalkiisa, waxaana markii dhaca loo gaysanayay dukaanka ku sugnaa isaga iyo labo kale oo ay walaalo yihiin.

“Waxaa noo soo galay afar nin oo watay hub kuwaas oo nagu amray in aan furno albaabka gudaha ee dukaanka waxayna inoo sheegeen in ay ka baarayaan sigaar kotorobaan ah oo loo sheegay in aan hayno inaga” ayuu yiri Suleymaan C/qaadir.

Wuxuu intaasi raaciyay Suleymaan C/qaadir in ay albaabka gudaha ay kasoo xirteen islamarkaana ay ku amreen ragaasi hubaysan in ay dibadda ugu baxaan dukaanka iyagoo baakado ku jiray sigaar ay sheegeen in ay baarayaan in uu yahay mid sax ah iyo inkale iyagoo kadibna weydiiyay dukumintiyada ay ku joogaan dalka Koofur Afrika isagoo intaasi ku daray in xiligii ay tageen ay waayeen lacago farabadan oo dhex tiilay dukaanka.

Afhayeen u hadlay Booliska dalka koofur Afrika oo lagu magacaabo Daphne Dell ayaa xaqiijiyay in xabsiga la dhigay  afarta sargaal oo ka tirsan qeybta CCU laakin ma uusan sheegin in maxkamad lasoo taagayo iyo in kale.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News