Friday, July 16, 2010

Raaf xoog leh oo lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya

Ciidamada Dalka Kenya ayaa bilaabey hawlgal baaxad leh oo ay ka fulinayaan xaafadaha ay degaan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan caasimada dalka Kenya ee Nairobi.



Tobanaan Dhalinyaro Soomaali ah ayaa xalay ciidanka amaanka dalka Kenya ay ka qabqabteen xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana dadka dhalinyarada ah ee ay qabteen Booliska ku jira dad heysta shuruuc iyo ruqsad ay ku joogaan dalkaasi, ha yeeshee lama oga sababta ay u xireen.

Saraakiisha amaanka dalkaasi Kenya ayaa dhalinyaradii ciidanku ku soo qabteen hawlgalkii ay ka fuliyeen xaafada Islii ee dalka Kenya waxay sheegeen in la baari doono haddii lagu waayo wax dambi ahna la sii deyn doono, haddii qaarkood lagu helo dambiyo ay ka mid yihiin in ay sharci darro dalka ku joogeena la maxkamadeyn doono.

Hawlgalkani ay fulinayaan ciidanka Booliska Kenya ayaa ku kooban oo kaliya xaafadaha Soomaalidu ka degto Caasimada Kenya ee Nairobi, waxaana arintani ay ka dambeysay kadib markii qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ay mas’uuliyadeeda sheegteen Ururka Al-shabaab ee ka dhisan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale hawlgalo noocani ah ay ka soconayaan magaalada Kampala ee caasimada Uganda kadib labadii qarax ee isku marka ahaa ee ka dhacay 11 bishan luulyo bartamaha magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News