Monday, July 12, 2010

Qaraxyo dad badani ku dhinteen oo xalay ka dhacay Magaalada Kamballa ee dalka Uganda

Isniin, 12, July, 2010:  Ku dhawaad 74 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weeraro loo adeegsaday walxaha Qaraxa oo xalay lagu qaaday xarumo kala duwan oo dad isku soo xoomay ay ku daawanayeen lugtii ugu danbeysay Cayaar ka tirsaneyd Koobka kubada cagta Aduunka oo xalay la soo gabo gabeeyay.





Qaraxa hore ayaa ka dhacay Baar ay lahaayeen Itoobiyaan kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux, halka weerarkii xigayna lagu qaaday Xarun ay lahaayeen Naadiga Cayaaraha Rugby-da oo sidoo kale ay ku Nafwaayeen ilaa 40 ruux oo ka mid ah dadkii halkaa Cayaarta ku daawanayay.
Mas'uul iyaduna u hadashay Safaarada dalka Mareykanka ee Uganda ayaa sheegtay in weeraradii xalay dhacay dadka ku geeriyooday uu ka mid ahaa qof u dhashay dalka Mareykanka halka sidoo kale ay jiraan dad kale oo Ameericaan ah qaraxyadaasi si xun ugu dhaawacmay, waxaana ay intaa ku darrtay in weeraradaasi ahaayeen kuwo lala eegtay waqtigii ay dadku ku mashquulsanaayeen sida ay hadalka u dhigtay daawashada cayaartii Finalka aheyd ee Koobta Aduunka.



Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Mareykanka Yoweri Museveni iyo Bark Obama ayaa si wada jira ah waxaa ay u canbaareeyeen weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Caasimada ah ee Kamballa, waxaana uu Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni dhigiisa Mareykanka ka codsday in Dowladdiisa gacan laga siiyo sidii ay uga hortagi laheyd kooxaha sida uu hadalka u dhigay amaanka qatarta ku ah.



Dhawaan ayeey aheyd markii Madaxa ugu sareeya kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab fariin laga siidaayay qalabka warbaahinta uu ku sheegay in Shacab-ka Dowladda Uganda iyo Burudi la dareesiin doono dhibaatada ay Ciidamadooda ku hayaan sida uu hadalka u dhigay Shacab-ka Soomaaliyeed gaar ahaan waxaa uu fartiintaa u dirray  Muqtaar Abuu Subeyr dadka reer Kamballa oo xalay weeraro culus lagu qaaday.



Dhinaca kale waxaa weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Kanballa uu ku soo beegmay xili Dowladdaha ku jirra Urur Goballeedka IGAD oo ay Uganda ka mid tahay ka fikirayeen sidii Ciidamo dheeraad ah loogu diri lahaa dlaka Soomaaliya kuwaasoo la doonayo in lagu biiro howlgalka AMISOM ay ka wado Caasimada Muqdisho.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News