Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, July 11, 2010

Qarax miino oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku waramaya in xalay qarax miino uu ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka magaalada Boosaaso gaar ahaan ku howgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka waday gudaha magaalada.


Sida warar lagu helayo qarax ayaa ahaa nooca hulka lagu aaso waxaa ciidamada amaanka Boosaaso ee qarax uu qabsaday loo geliyey mid ka mid ah wadaooyinka magaalada, waxaan la tilmaamay in uu qarax ahaa nooca ramuudka laga hago.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha qarax uu geesytay warar qaar ayaa sheegay in ay qarax ku dhinteen ilaa 3 askari oo ka mid ahaa ciidamada qarax lal eegtay halka warar kalan ay sheegayaan in qasaaraha dhimasho uu intaasi ka badan yahay, waxaase jira ilaa 4 askari oo iyana ku dhaawacmay qarax.

Saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Boosaaso ayaa ku gaabsaday in ka dib markii uu qarax dhacay ciidamada amaanka ay laba jibaareen howgalda islamarkaana ay u soo qabqabteen qarax tiro dadka ah kuwaasi oo looga shaki qabo in ay qaraxu ay ka danbeeyeen hasa ahaatee waxa ay sheegeen in si toos ah ay dib faafaahin u bixin doonaaan.

Magaalada Boosaaso ayaa noqtay magaalada ugu amaanka xun marka loo fiiriyo magaalooyinka kale ee ay sida tooska ah gacanta ugu hayaan maamulka Puntland , waxaan todobaadkii la oo dhaafay sidaan oo kale uga dhacay qarax, iyadoona ay horay u jireen qaraxyo iyo dilal bareer ah oo lagu qaar jiyey masuuliyiinka ka tirsan maamylka gobolka Bari.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News