Thursday, July 1, 2010

Qarax Caawa Lala Beegsaday Gaariga Guddoomiyaha gobolka Bari

Waxaa caawa (01 July 2010) qarax lala beegsaday gaariga Guddoomiyaha gobolka Bari Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf.
Qaraxa oo loo malaynaayo in uu ahaa nooca meelaha fog fog laga hago ayaa fiidnimada caawa ayaa laga maqlaayey meelo badan oo ka mid ah magaalada, waxaana uu ka dhacay agagaarka Hotel Shabeele
oo ku yaala koonfurta magaalada isla markaana wadada laamiga ah ee u baxda Gobolada kale saaran
Xilliga gaariga lala beegsanaayay qaraxa ayaa waxaa la sheegay in Guddoomiyaha uusan la socon ayadoo ay saarnaayeen oo keliya ilaaladiisa iyo dareewalka waday.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey qaraxaas,waxaana dhintey inta la ogyahay labo qof oo kala ah dareewalka gaariga iyo mid ka mid ah ilaalada oo isagu dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso.

Labo ka mid ah Askarta ilaalada Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhaawac gaartay,waxaana la jiifiyey Isbitaalka guud ee Bosaaso oo lagu dabiibaayo ayadoo lasoo sheegaayo in dhaawacooda uu culus yahay.waxaana burbur xoogan gaaray gaariga guddoomiyaha.

Ciidanka Amniga ee Bosaaso ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay,waxaana ay ka wadaan halkaas baaritaano qaabka uu qaraxu u dhacay,lamana ogaa in ay dad u qab qabteen.

Horseed Media

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News