Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, July 27, 2010

Puntland oo sameysay Gudi dadka ku baraarujiya ka hortaga kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa magacaabay gudi wasiiro ah oo bulsho weynta ku dhaqan deegaanada Puntland ku baraarujiya ka hortaga weerarada lagu soo qaaday deegaanada Puntland.
 
Gudiga oo ka kooban ku dhawaad 10 wasiir ayaa shalay Madaxweyne Faroole ku magacaabay kulan golaha wasiirada Puntland ay ku yeesheen Madaxtooyada Magaalada Garoowe, waxaana gudiga hogaamin doona Wasiirka Haweenka iyo arimaha qoyska marwo Caasho Geelle Diiriye.

Max’ed Faarax Ciise Gaashaan oo ah wasiiro dowlaha madaxtooyada iyo dowlad wanaagna Puntland oo warbaahinta la hadlay Maanta ayaa waxaa uu sheegay Magacyada Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Faroole waxaana ay magacyadoodu kala yihiin sidaan hoos ku qoran.

Wasiirka Hormarinta iyo arimaha qoyska Caasho Geelle Diiriye oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga.

Daahir Xaaji Khaliif, Wasiirka Wasaarada howlaha Guud iyo Gaadiidka.

C/qani Yuusuf Cadde Wasiirka Wasaarada Deegaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska.

Mudane Max’ed Faarax Aadan Wasiirka Wasaarada kaluumeysiga.

Mudane Cali Saalax Aadan wasiiro dowlaha Madaxtooyada iyo arimaha amniga.

Max’ed Faarax Ciise Wasiiro dowlaha Madaxtooyada iyo arimaha dowlad wanaaga.

Dr. Max’ed Xirsi Ducaale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.

C/laahi Max’ed Faarax Aswad Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta.

Burhaan Cilmi Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha.

Wasiiro dowladaha Madaxtooyada iyo dowlad wanaaga Puntland Max’ed Faarax Ciise Gaashaan waxaa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay qabanayaan gudigaan wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

“Waxaa uu u xil saaranyahay in uu bulsho weynta Puntland la socodsiiyo dabka wadciga jira iyo xaaladda sida ay tahay, islamarkaana uu ku baraarujiyo difaaca dalka, ilaalinta nabad galyada iyo ka hortaga cadowga, waxaana leenahay bulshada Puntland Cadow Sokeeye malahan hadii uu walaalkaa yahay iyo hadii kalaba mar hadii uu cadow yahay waa in la iska celiyaa” ayuu yiri Wasiiro dowladaha Madaxtooyada iyo dowlad wanaaga Puntland Max’ed Faarax Ciise.

Magacaabista madaxweyne Faroole uu magacaabay gudigaan wasiirada ah oo bulshada ku baraarujinaya ka difaaca iyo ka hortaga weerarad qorsheysan  ee lagu soo qaaday deegaanada Puntland ayaa imaaneysa xili dhalay dagaal culus oio saacado qaatay deegaano ka tirsan Puntland uu ku dhexmaray Alshabaabta Puntland oo uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam  iyo Ciidamada amaanka dowlada goboleedka Puntland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News