Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, July 16, 2010

Puntland oo Garoowe ka hirgalisay Maxkamad la saaro kooxaha argagixisada.

Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta sheegay in uu furey maxkamad gaar ah oo loogu talagalay in lagu qaado dambiyada kooxaha xariirka la leh argagixisada ee lagu qabto Magaalooyinka Puntland.
 
Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Yuusuf Axmed Qeyr oo maanta Shir jaraa’id Xarunta Madaxtooyada ee Puntland ee Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in deegaanada Puntland laga hirgaliyay Maxakamad cusub oo lagu maxkamadeynayo dadka falalka argagixisada lagu qabto ee ay soo qabtaan ciidamada amaanka ee Puntland.

Yuusuf Axmed qeyre waxaa uu tilmaamay in Maxkamadaani cusub ay ka mid tahay Maxkamadaha Kale ee Caalamiga islamarkaana lagu maxkamadeeyo dadka falalka argagixisada lagu qabto.

Waxaa  uu intaasi ku daray Wasiirka Amniga in sameynta Maxkamadaani ay ka dambeyso kulankii dhawaan ay qaateen golaha Wasiirada Puntland ee looga hadlay Qaraxyada iyo falalka kale ee ka dhacaya Magaalooyinka Puntland, waxaana uu intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in xukun buuxa lagu rido qofkii lagu soo qabtaa falalkaasi.

Ugu dambeyntii aya Maxkamadaani waxaa ay qeyb ka noqonaysaa Maxkamadaha ka jira Magaalooyinka Puntland hase ahaatee waxaa ay uga duwanaan doontaa kiisaska lagu qaadayo oo noqonaya kuwa la xariira argagixisanimo.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News