Wednesday, July 28, 2010

Maraykanka iyo Uganda oo isku qilaafay dhaqaalaha la siinayo ciidamada AMISOM.

Dowladaha Maraykanka iyo Uganda ayaa isku qilaafay dhaqaalaha la siinayo Ciidamada Cusub ee loo soo dirayo Soomaaliya gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwa haatan ku sugan Muqdisho ee mushaarka loo kordhinayo.
 
Jariiradda Daily Monitor ayaa qortay in kulan dhexmaray kaaliyaha xog-hayaha arimaha dibadda dalka Maraykanka Mr Johnnie Carson iyo madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafani ay isku afgaran waayeen dhaqaalaha la siinayo ciidamada  cusub ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Diblumaasiyiin ku dhow dhow Madaxweynaya Uganda ayaa sheegaya in madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafani uu kulanka uu la qaatay kaaliyaha xog-hahay arimaha dibadda dalka Maraykanka ee Afrika ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha wadanka Tanzania Jakaya Kikwete iyo Ra’iisul wasaaraha wadanka Ethiopia Melez Sanawi.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha wadanka Uganda markii uu kala hadlay masuulka dowladda Maraykanka dhaqaalaha la siinayo ciidamada cusub ee nabad ilaalinta ee loo soo dirayo dalka Soomaaliya, uu ka caga jiiday Mr Johnnie Carson taasi oo keentay in uu shirka isaga baxo madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafani kadib markii ay isku fahmi waayeen dhaqaalaha la siinayo ciidamadaasi iyo habka loo soonayo.

Yuweri Musafani ayaa waxa uu sheegay in dhaqalaha dowlada Maraykanka ay bixinayso iyo tirada ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya aysan isku qalmin, waxaana Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada ee Qaarada Afrika Johnnie Carson uu ku wargaliyay Musafani in aan la gaarin xiligii dhaqaalaha faraha badan la siin lahaa ciidamada la geynayo Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa bixisa dhaqaalaha ugu badan ee la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ka socda ee haatan ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

“waxaynu raadinaynay in aan Somalia u dirno ciidamo badan, waxa loo baahan yahay dhaqaalo badan laakin xukuumadda Washington ayaa ku guuldaraysatay in ay bixiso dhaqaalo ku filan” ayaa laga soo xigtay ilo wareedyo goob joog ka ahaa kulankii gaarka ahaa ee dhexmaray wakiilka Africa u qaabilsan Maraykanka Mr Johnnie Carson iyo madaxda dalalka Uganda, Ethiopia iyo Tanzania.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News