Tuesday, July 27, 2010

Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in beri uu soo magacaabayo dowladiisa.

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ayaa maanta sheegay in maalinta beri ah uu soo Magacaabayo dowladiisa kadib markii maanta lagu wareejiyay xilka madaxtinimada ee Somaliland.
 
Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed  Max'uud Siilaanyo oo ka horhadlayay masuuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladii xilka loogu wareejinayay ee ka dhacday Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa sheegay in maalinta beri ah uu soo magacaabayo dowladiisa oo lagu sugayay in uu soo magacaabi ilaa intii la doortay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay wafuudii ka soo qeyb gashay xafladii lagu caleemo saaray kuwaasi oo ka kala socday wadamada Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, waxaana uu sheegay in caawa xubnaha horkacaya wafuudaasi uu la qaadan doono kulamo xasaasi ah.

Madaxweyn Siilaanyo waxaa tilmaamay in muhiimada koowaad uu saarayo ka dhabeynta balanqaadyadii uu sameeyay markii uu waday olalaha doorashooytinka Somaliland, waxaana uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacan siiyaan dowladiisa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Hargeysa waxaa ay hadal heynta ugu badan aheeydn xiliga madaxweyne Siilaanyo uu ku dhawaaqayo dowladiisa, waxaana goobaha dadka ay isugu yimaadeen la isku weydiinayay cida ka mid noqoneysa dowladda cusub ee Somaliland iyadoo dadweynuhu ay is weydiinayeen hebel maka mid yahay iyo erayo kale.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News