Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, July 27, 2010

Madaxda Midowga Africa oo ciidamo kale usoo diraya Soomaaliya

Hogamiyaasha ururka Midowga Africa oo dalka Uganda hada ku kulansan ayaa isku raacay in ay ciidamo dheeraad ah u diraan dalka ay dagaalada aafeeyeen ee Somalia si ay u kabaan kuwa hada ku sugan Muqdisho ee AMISOM.



Madaxda AU oo uu shirweyne uga socda magaalada Campala ayaa ogolaaday in 2,000 oo askari oo sheeraad ah lagu kordhiyo ciidamada AMISOM ee dagaalada kula jira ururka Al Shabaab ee Somalia.
Sharciyada dagaalka ayaa la badali doonaa iyadoo ciidamada loo ogolaan doono in ay xabado ku furaan hadii ay wajahaan weeraro dhaqso ah, waxaa kale oo ay qaadi doonaan howlgalo amaan sugid ah sida lagu yiri bayaan kasoo baxya madaxda.

Dhawaan madaxweynaha dalka Uganda President Yoweri Museveni ayaa sheegay in loo baahanyahay in la tir tiro ururka Al Shabaab ka dib marki ay sheegteen  weeraro bambaano oo lagu dilay ku dhawaad 70 ruux oo Ugandes ah kuwaas oo ka dhacay magaalada Kampala.

Hase yeeshee baaqiisii ahaa in AMISOM ay dagaalo ku qaadaan Al Shabaab meysan aqbalin madaxda Africa laakin waxa ciidamadu ay qaadayaan talaabooyin wax looga qabanayo amaanka.

Dhawaan ururka Igad ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya u dirayaan ciidamo ka bar bar dagaalama kuwa Midowga Africa kuwaas oo ka qeyb galaya dadaalada amaan sugida ee Soomaaliya.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News