Wednesday, July 28, 2010

Maamulka Puntland oo xilkooduu ka qaaday xildhibaano ka tirsan Puntland.


Xeer ilaalayaha Guud ee Puntland ayaa maanta xilalkoodii ka xayuubiyay ilaa sedax xildhibaan oo ka tirsanaa Barlamanka Puntland kadib markii lagu eedeeyay inay xariir la lahaayeen dhaq-dhaqaaqa SSC.
 
Kadib markii golaha Wakiilada Puntland ay ka doodeen dacwad ay u soo gudbiyeen golaha wasiirada Puntland oo ku aadaneyd eedeyn loo soo jeediyay xubnaha Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo lagu eedeeyay inay xariir hoose la lahaayeen SSC oo dagaal kula jirta Maamulka Puntland ayaa xer ilaaliyaha guud ee Puntland waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay sedaxdaasi xildhibaan.

Xildhibaanada Xil ka qaadista lagu sameeyay oo kala ahaa Ibraahim Max’ed Guure, Ibshir C/casiis Sheekh Iyo Cumar Jaamac Suleymaan ayaa xer ilaaliayaha guud waxaa uu sheegay in golaha Wakiilada Puntland ay dacwad ka soo gudbiyeen xildhibaanadaani islamarkaana lagala noqday kalsoonidii ay u hayeen shacabka Puntland kadib markii ay ku kaceen sida uu sheegay qiyaano iyo musuq maasuq wax u dhimaya deganaasha deegaanada Puntland.

Sedaxda xildhibaan ee xilalka laga qaaday oo iyaguna la hadlay Saxaafada ayaa waxaa ay sheegeen in aysan waxba ka jirin dambiyada lagu soo eedeeyay hase ahaatee ay ku qanacsanyihiin xil ka qaadista lagu sameeyay iyagoona sheegay inay la shaqeyn doonaan Maamulka Puntland.

Xil ka qaadistaani lagu sameeyay sedaxdaani xildhibaan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa xili deegaanada Puntland ay lawareegeen , ciidamo ka tirsan SSC.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News