Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, July 20, 2010

Kooxo hubaysan oo maanta sedax askari ku dilay Magaalada Boosaaso.

Kooxo hubaysan ayaa maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ay ku dileen labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland.
 
Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaasi toogasho loogu geystay  labo askari oo ka tirsanaa Ilaaladii wasiir ku xigeenkii hore ee arimaha gudaha Puntland iyadoo kooxihii falkaasi geysatana la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Daqiiqado kadib ayaa goobta uu falkaasi ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Amaanka ee Puntland kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay baaritaano ku aadan ragii falkaasi geystay.

Majirto cid ka hadashay dilka askartaani loogu geystay maanta magaalada Boosaaso, waxaana dilkoodu uu imaanayaa xili Maalmihii la soo dhaafay ciidamada amaanka ee Puntland Magaaladaasi Boosaaso ay ka wadeen baaritaano  ay ku bartilmaameedsanayaan dadka ka dambeeya falalka amni darida ee ka jira Boosaaso.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News