Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, July 9, 2010

Kenya oo Maraykanka ku eedeysay wax ka qabasho la'aanta Xaalada Somaliya.

Dowlada Wadanka Kenya ayaa ku eedeysay Maraykanka in uu ka gaabiyay wax u qabashada dowladda KMG iyo sidii ay u cirib tiri laheyd Ajaanibta ku sugan Soomaaliya.
 
Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Kenya Moses M. Wetangula oo shalay warbaahinta kula hadlayay Magaalada Nairobi Xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay in dowladda Maraykanku ay ka gacmo laabato xoojinta wax u qabashada dowladda KMG  si ay dowladda ugu suura gasho la dagaalanka dagaalyahano ajaanib ah oo uu sheegay inay ku suganyihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Moses M. Wetangula waxaa uu sidoo kale cadeeyay in hay’adaha Sirdoonka Caalamiga ay waxbadan ka soo ogaadeen Xaaladda dalka Soomaaliya iyo tirada Ajaanibta ku sugan ee la dagaalameysa dowlada KMG Soomaaliya, waxaana uu Maraykanka ugu baaqay inay talaabo muuqata u qaado sidii dowladda KMG Soomaaliya ay ugu suura gali laheyd la dagaalanka kooxahaasi sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Kenya ayaa ku cel celiyay in loo baahanyahay wax ka qabashada Dagaalyahano Ajaanib ah oo uu tilmaamay inay ka kala yimaadeen wadamada, Ciraaq, Afganistaan Pakistaan iyo wadamo kale kuwaasi oo uu tilmaamay inay la dagaalamayaan dowladda KMG Soomaaliya.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News