Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, July 30, 2010

Isu-soo-baxyo iska horjeeda oo ka dhacay Borama

Isu-soo-baxyo iska horjeeday, lana xidhiidha habka magacaabista xukuumadda cusub ee dhawaan uu shaaciyay madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Isu-soo-baxyadan ayaa midka hore oo bilaabmay abbaaro 10:30-kii subaxnimo ee maanta lagaga horjeeday qaabka ay u dhisan tahay xukuumadda cusub ee uu dhawaan magacaabisteeda shaaciyay Madaxweyne Siilaanyo

“Waxaanu u baahannahay caddaalad, waxaanu u baannahay jagadayada, mana aqbalayno qaybintan,” ayaa ka mid ahaa ereyo ku qornaa boodhadh ay siteen dadweynaha isu-soo-baxay qaarkood, kuwaas oo goobaha qaar ku gubay Taayirrada Baabuurta.

Ciidamada amniga ayaa iyaguna dhinacooda ka hortegay dadweynaha isu-soo-baxay, waxaanay kor u ridayeen Rasaas, si ay u kala eryaan dadweynaha isu-soo baxay.

Dhinaca kale, isu-soo-bax kan liddi ku ah oo lagu taageersanaa habka ay u dhisan tahay xukuumadda cusub ee Somaliland, ayaa isna isla maanta ka dhacay magaaladaas, kaas oo bilaabmay markii ay dadweynihii diiddanaa habka magacaabista xukuumaddu ay isku dayeen inay ku baahaan oo ay isu-soo-baxooda ku ballaadhiyaan magaalada. Taas oo keentay in ciidamada amnigu ku guulaystaan inay kala dhex galaan labada dhinac, si aanu uga dhalan isku-dhac dhex mara dadweynaha taageersan xukuumadda cusub iyo kuwa ka horjeedaa.
Si kastaba ha ahaatee, isu-soo-baxyadan ayaa ahaa kuwo qorshaysan oo maalmahanba dhaqdhaqaaqooda laga dareemayay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Source: HOL

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News