Thursday, July 22, 2010

In kabadan 300 oo reer koofureed ah oo laga dajiyay Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo la gaarsiiyay ku dhawaad 350 ruux oo laga kala keenay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe kuwaasi oo lagu soo qab qabtay howlgalo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee Puntland.
 
Dadkaani ayaa Maamulka Puntland waxaa uu qorsheynayaa in uu si nabad galyo ah ugu celiyo deegaanadii ay markii hore ka tageen ee koofurta dalka Soomaaliya, waxaana lagu keenayay magaalada Gaalkacyo gaadiidka Xamuulka oo aad u waaweyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka howlgalada ay ku qabtaan ciidamada Puntland la weydiinayo qabiilkooda kadibna laga soo masaafurinayo deegaanada Puntland hadii aysan u dhalan, waxaana wali gobolada Nugaal iyo Bari ka sii socda howlgaladaani oo dowladda Puntland ay sheegtay inay u aragto soo celinta amaanka.

Dhalinyarada ku jirta saldhigyada Booliska ee gobolka Mudug ayaa gaaraya in ka badan 950 ruux oo ka soo jeeda gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaana iyagoo lagu wado gaadiid waaweyn laga kala keenay Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Lama ogo xiliga ay soo afjarmayaan hase ahaatee waxaa arintaani cabasho ka muujiyay shacabka uu soo masaafurinayo Maamulka Puntland, kuwaasi oo ay ku jireen haween iyago ragoodii laga masaafuriyay Magaalooyinka Puntland iyo Boosaaso.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News