Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, July 22, 2010

Human Rights Watch oo cambaareysay dad Soomaali ah oo Holland ay celineyso.

Dowladda Wadanka Holland ayaa bilaaabeysa bilaha soo socda in ay koofurta dalka Soomaaliya ku celiyaan qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan iyadoo arinkaasi ay cambaareysay hay’adda Human Rights Watch.
 
War qoraal ah oo maanta ka soo baxay hay’adda u dooda xaquuda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu cambaareeyay qorshayaal qarsoodi ah oo dowladda Holland ay ku dooneyso inay dib dalka Soomaaliya ugu soo celiso qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan.

Dadkaani Soomaalida ah ee la soo celinayo ayaa la sheegay inay gaarayaan boqolaal ruux kuwaasi intooda badan loo diiday inay sharciga dalkaasi qaataan, waxaana dowladda Holland ay qorsheynaysaa in dadkaasi ay ku soo celiso Koofurta dalka Soomaaliya.

Mahad Muuse Axmed  oo ah madaxa warbaahinta Horseed Media oo isagoo ku sugan dalka Holland oo la hadlayay VOA-da qeybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowladda Holland bishaan ama bisha soo socota ay u qorsheysantahay in gudaha wadanka Soomaaliya ay ku soo celiso ilaa 8 qof oo Soomaali ah, isagoo sheegay in ilaa iyo hadda aan si dhab ah loo ogeyn sababta keentay in arintaasi dowladda Holland ay ku dhaqaaqdo.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaalida mudooyinkii ugu dambeeyay loo diidayay sharciga lagu joogo gudaha wadanka Holland taasoo keentay in qaar badan oo ka mid ah Soomaalida dalkaasi ku sugan ay bilaabaan inay cabsadaan maadaama qofka uusan ka warheyn xiliga loo celinayo dalka dagaalada badan ee Soomaaliya oo uu markii hore ka soo cararay.

Arintaani ayaa markii ay soo shaac baxday waxaa durbadiiba cambaareeyay hay’adaha xaquuqda aadaanah oo ay ugu horeyso hay’adda Human Rights Watch oo xafiis ku leh wadankaasi Holland.

Lama oga ujeedada dowladda Holland ay talaabadaani u qaadeyso hase haatee warar aan la hubin ayaa sheegaya in go’aankaani dowladda Holland ay qaadatay kadib markii wadahadal ay la gashay xubno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay in Maxkamada dalka Holland ay ugu  baaqdo Xukuumada Amsterdam inay soo bandhigto qoraal cadeeynaya wadahadalkaasi.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News