Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, July 1, 2010

Hogaamiyaha Nigeria oo ganaax adag kusoo rogay ciyaaryahanada xulka qaranka

Madaxweeynaha dalka Nigeira Goodluck Jonathan ayaa ka mamnuucay xulka qaranka dalkaasi in ay ka qeyb galaan ciyaaraha caalamiga ah mudo laba sano ah, kadib marki ay ka gudbi waayeen wareega labaad ee ciyaaraha koobka aduunka.

Go,aankan uu madaxweyne Goodluck Jonathan ku ganaaxay xulka ayaa waxaa isha la raaceysa oo la filayaa in ay jawaab kulul kasoo saarto FIFA oo aad uga soo horjeedo in kubada cakta ay soo fara geliyaan siyaasiyiinta.

Kooxda Nigeria oo lagu naaneeso "The Super Eagles" oo micnaheedu yahay 'Gorgorada Sare' ayaa ku hartay wareega hore ee ciyaaraha aduunka ee hada ka socda dalka South Africa, marki ay garaaceen dalalka Argentina iyo Greece halka ay bareejo la galeen Jamhuuriyada Korea.

Lataliye sare oo ka tirsan lataliyaasha madaxweyne Jonathan ninka lagu magacaabo Ima Niboro ayaa sheegay in madaxweynaha uu tani kaga jawaabayo guuldarooyinki ay ciyaartooyda kasoo hooyeen South Africa.
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News