Tuesday, July 20, 2010

Hogaamiyaha Labaad ee urur Al Qaacida Ayaa Ka Hadlay Soomaliya

Hogaamiyaha Labaad ee urur Al Qaacida Eyman Al Zahawir oo soo dir cod maqal ayaa waxa uu uga hadlay xaalada Soomaaliya.



Waxa uu sheegay Hoogaamiyaha Labaad ee Al Qaacida in dagaalada ka socda Dalka Soomaaliya kaasi uu sheeegay in ay kula jireen Dowlada Mareekanka iyo reer Galbeedka ay uga guuleesyan doonaa , waxa uuna xusay in ay guleeysteen dagaalada ka socda Wadamada Ciraaq iyo Afganistaan.

Eyaman Al Sawaahiri ayaa waxaa uu dhanka kal eedeyey madaxda Dowlada carabta in ay wax ka qab waayeen dhibaatada Israa’iil ay ku heeyso dadka reer Falastiin, waxaa uuna digniin u diray Madaxweynaha Mareeykanka Barak Obama Waxa uuna uga digay in ciidamo loo diro wadamada Soomaaliya iyo Yemen.

“Obaamoow, waxaan kaga adkaanay Maraykanka iyo xulafadiisa dalalka Iraq iyo Afganistan, waxaana kaga adkaan doonaa dalalka Soomaaliya, Falastiin iyo galbeedka Afrika” ayuu yiri Ayman Al Zawahiri.

Ururka AlQaacida oo ah mid islaami ah islamarkaan si weyn uga so horjeedo siyaasada reer Galbeed ayaa waxaa lagu sheegaaa in xiriri weyn ay la leeyihiin Xarakada Al Shabaab oo ah xoogag Islaamiyiin ah oo inta badan gacanta ku haya Koonfurta Soomaaliya.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News