Sunday, July 25, 2010

Hogaamiyaasha Afrika oo Kambala kulan uga furmaya saacadaha soo aadan.

Waxaa la soo gaba gabeeyay shirkii wasiirada arrimaha dibadda wadamada Africa ay ku lahaayeen magaalada Kampala, Uganda, iyadoo waqtiyada soo socda lagu wado inuu halkaasi ka furmo shirka heerka Madaxweyneyaasha ee dalalka Africa.



Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa ajandeyaal badan oo ay ka mid tahay xaaladda Soomaaliya iyo sidii wax looga bedeli lahaa xaalada cakiran ee xilligan ay ku sugan tahay.

Dowladaha Jabuuti iyo Guinea ayaa shirka waxaa ay ka balan qaadeen min hal guuto oo ciidamo ah oo ay u soo dirayaan gudaha Soomaaliya.

Dowladda Britain, oo fariin u soo dirtay shirka, ayaa madaxda ka qeyb galeysa waxaa ay ku boorisay in wax laga bedelo awooda ciidan ee ay ku howlgalaa ciidamada

Waxaa lagu wadaa dowladda South Africa inay ku soo biirto dowladahaasi balan qaaday ciidamo inay ku soo kordhinayaan howlgalka Amisom.

Madaxweynayaasha dalalka Africa ayaa lagu wadaa inay ku shiraan magaalada Kampala waqtiyada soo socda, ka dib markii uu shirkooda u soo gaba gaboobay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Africa.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News