Sunday, July 18, 2010

Gudoomiyihii Maxkamada Laascaanod Saleebaan Dheere Oo Hada Toogasho Lagu Dilay-

-Rasaas hada ka dhacaysa magaalada Laascaanood ayaa waxaa la sheegayaa in lagu khaarajiyay Gudoomihii Maxkamada Gobolka Sool Saleebaan Jaamac Hayaan (Dheere).

 
Ninkan ayaa lagu dilay meel gurigiisa u dhaw,ilaa iyo hadana lama oga cid dishay.

Dilalka loo gaysanayo nimankan xilka ka haya Somaliland ee Gobolka ayaa maalmihii ugu danbeeyay ahaa mid soo badanaya.
Marxuumkan dhintay wuxuu ahaa Saleebaan Dheere ayaa ahaa nin aad caan uga ah magaalada Laascaanood isagoo horey u ahaan jiray macalin si aada ay u yaqaanaan reer Laascaanood.

Xigasho: Lasanod.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News