Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, July 3, 2010

Golaha wasiirada oo isku shaandheyn lagu sameeyay

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada xukuumadiisa isagoo magacaabay wasiiro cusub, kuwana xilkii ka qaaday, kuwana ka badalay wasaaradihii ay hayeen.


Wasiirada ku cusub golaha wasiirada ee la magacaabay ayaa waxaa kamida Mustafa Dhuxuloow oo loo magacaabay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga, Axmed Cabdisalaam Xaaji aadan oo loo magacaabay wasaaradda aminga qaranka, Yuusuf xasan Ibraahin {Dheeg} oo loo magacaabay wasaaradda arimaha dibadda, Cabdi kariin Axmed Cali oo loo magacaabay wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka, Sheekh Aadan Madoobe oo loo magacaabay raisulwasare kuxigeen iyo wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda, Yuusuf Cali Ugaas oo loo magacaabay wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta, Xuseen Warsame samatar oo loo magacabay wasaaradda dib u heshiisiinta iyo Brof Dalxa oo loo magacaabay wasaaradda dhaqan celinta iyo arimaha bulshada.

Waxaa jagooyinkoodii waayay wasiirkii warfaafinta Daahir Maxa’uud Geele, wasiirkii cadaalada iyo garsoorka C/raxmaan Janaqoow, wasiirkii dhaqan celinta iyo arimaha naafada Dr Maxa’ed cali Ibraahiim, wasiirkii dahaqan celinta maleeshiyooyinka farxaan cali Maxa’uud iyo wasiirkii dalxiiska iyo duur joogta Maxa’ed Xuseen.

Waxaa sidoo kale laga tagay wasiiradii hore isku casilay ee kala ahaa C/raxmaan C/shukuur Warsame iyo Maxa’ed Cabdulaahi Oomaar oo jagooyinkoodii rag kale loo magacaabay.

Waxaa jira wasiiro jagooyinkoodii laga qaaday balse loo dhiibay wasaarado kale, halka gabi ahaanba laga tagay wasaaradii uu haayay Dr Maxa’ed Cali Ibraahiim ee arimaha naafada.

Waxaa si toos ah wasiiro loogu magacaabay wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhalinyarada Isbortiga oo marnaa tan iyo markii ay geeriyoodeen wasiiradii jagooyinkaas haayay oo kala ahaa Qamar Aadan Cali, Maxa’ed C/laahi Waayeel iyo saleymaan Colaad rooble.

Wasiirada la magacaabay ayaa tiradooda ay tahay 39-wasiir, waxaana magacaabidooda aqbalay madaxweynaha dowladda KMG soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Afhayeenka ra’isul wasaaraha C/qadir walaayo oo saxafadda u aqriyay wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha ee isku shaandheynta lagu sameeyay ayaa sheegay in isku shaandheyntani ay qeyb ka tahay heshiiskii ay dowladda KMG la gashay culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News