Monday, July 5, 2010

Fashil ku yimid isku day lagu qaarjin rabay masuul ka tirsanaa Argagixo la dirirkii.

Cabdi Shukri Cali Xirsi oo ahaa ninki ugu sareeyey isvaheysigii la dhihi jiray argagixiso la dagaalanka ee ay sanadi 2006 kaga dhawaqeen Muqdisho hogaamiye kooxeedyadi ayaa xalay lagu weeraray gurigiisa oo ku yaala Koonfurta Magaalada Gaalcayo.



Ninkaan oo ah nin si aad ah ugu xiran sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa weerar ku qaaday gurigiisa maleeshiyo aanan la garan, kuwaas oo ay rasaas socotay qadar shan daqiiqo ah is dhaafsadeen ilaaladiisa.

Tacshiiradaasi ayaa khal khal gelisay amaanka koonfurta Gaalkacyo oo ay maamulaan maamulka la magac baxay Galmudug, waxaana baryahan ka jiray koonfurta gaalkacyo qilaaf u dhaxeeyey Cabdi Shukri iyo saraakiisha maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka ku kooban xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee la yiraahdo Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maalmahan dhaliilsanaa dhaq dhaqaaq uu Cabdi Shurki ka waday Gaalkacyo.

Cabdi Shukri ayaa shalay ka qoray magaalada Gaalkacyo maleeshiyaad cusub oo gaaraya 150 kuwaas oo ku biiray ilaaladiisa, waxaana uu doonayaa in uu dagaal ku qaado degmada Xarardheere oo ay hada ka taliyaan ururka Xisbul Islaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News