Thursday, July 22, 2010

Faroole Wuxuu Sheegay In Al-Shabaab Ay Sugan Yihiin Meela Ka Mid Ah Deegaanada Puntland

Madaxweynaha maamul gobeleedka Puntland ayaa mar uu la hadlayey idaacadda VOA qaybteea afka Soomaliga maalintii shalay ahayd, wuxuu daboolka ka qaaday inay kooxaha Al Shabaab ku sugan yihiin meela ka mid ah deegaanada Puntland, wuxuuna farta ku fiiqay buuralayda Galgala oo ka tirsan gobolka Bari.
 
  Wuxuu kaloo xusay kooxda Al shabaab  inay dhawaan Galgala ka taageen calankooda, halkaasina ay uga dhawaaqeen maamul Islaami ah, wuxuuna Faroole si weyn ugu hanjabay inuu soo afjari doono kooxo diimeedyada buuralaydaasi Galgala isku uruursanaya.


Xukuumada Faroole oo iyadu ku fashilantay sugidda amniga ayaa markan waxay muujinaysa cabsida weyn ee ay ka qabaan kooxda Al Shabaab, oo uu yidhi waxay doonaysaa inay isku fidiyaan deegaanada Puntland, iyaga ayuuna dusha ka saran qaraxyadii iyo dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacayey magaalada Boosaaso.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News