Friday, July 9, 2010

Dhalinyaro Soomaali ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay dalka S/Afrika.

Dhalinyaro Soomaali ah ayaa kooxo hubaysan oo S/Afrikaan ah waxaa ay dil ugu geysteen Magaalada Cope Town ee dalka S/Afrika iyadoo dhinaca kalana ay socdaan qaban qaadabada dibadbaxyo looga soo horjeedo dhibaatooyinka lagu heyo Soomaalida ku nool dalkaasi S/Afrika.
 
Habeen hore Fiidkii ayaa kooxo hubaysan oo u dhashay wadanka S/Afrika waxa ay dil Magaalada Cope Town ugu geysteen labo muwaadin oo Soomaali ah iyagoona sidoo kale dhaawacyo cul culus u geystay labo kale oo Soomaali ah xili ay ku guda jireen howlahooda Shaqo.

Cibaar Sheekh Cibaar oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaalida ee ku sugan dalka S/Afrika oo  saxaafada u waramay ayaa sheegay in dilka loo geystay dhalinyaradaasi Soomaalida ay ka dambeeyeen rag madow S/afrikaan ah oo soo weeraray goob dhalinyaradaasi Soomaalida ah ay ku sugnaayeen.

Waxaa uu sheegay in ay soo noq noqdeen dhibaatooyinka iyo dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalka K/Afrika, isagoo intaasi ku daray in dhacdadii habeen hore ay aheeyd mid aad u xanuunjisay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugna dalkaasi.

Cibaar Sheekh Cibaar ayaa sheegay in dhalinyaradaasi xiligii la dilayay ay daawanayeen Ciyaartii Samafiinaalka aheeyd ee dhexmaraysay Spain iyo Jarmalka, iyadoo goobtii ay ku daawanayeen ay ku weerareen kooxo S/Afrikaan ah kuwaasi rasaastii ay ku fureen halkaasi ku dhishay dhalinyaradaasi Soomaalida.

Wiilasha la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Muqtaar Cali Dhuxulow oo reer Wardhiigley ahaa iyo Max’ed Xasan Cali waxaana wiilasha dhaawacmay ka mid ahaa C/casiis Cali Max’uud iyo mid kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abshir.

Sidoo kale Cibaar Sheekh Cibaar waxaa uu sheegay inay Maanta ay qorsheynayaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan dilalka loo geysanayo Soomaalida goobaha ganacsi ku leh dalka S/afrika isagoo sheegay in dibadbaxyadaasi ay ka soo qeyb gali doonaan dadka u olaleeya xaquuqda aadanaha iyo Wasiirka Amniga Qaranka ee S/Afrika.

Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalka S/Afrika ayaa ku eedeeyay Boliiska dalkaasi inay wax ka qaban waayeen ficilada ka dhanka ah Xaquuqda aadaanaha ee loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/Afrika.

Dhalinyaro farabadan oo goobo ganacsi ku lahaa dalka S/Afrika ayaa qorsheystay inay isaga soo tagaan dalkaasi kadib markii mudooyinkii u dambeeyay ay sii kordheen dilalka loo geysnayo muwaadiniinta Soomaalida iyo wax ka qabasho la’aanta dowlada dalkaasi S/Afrika.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News