Sunday, July 18, 2010

Dhalinyaro Al-shabaab tababareen oo xoriyad la siiyay

Markii ay dhalinyaro Somaliyeed bilaabeen inay u safraan Somalia oo ay ku biiraan ururada dalka ka jira muddo sadex-sano kahor, dadka Maraykanku waxay ka baqeen in maalin uun ay soo laaban doonaan iyagoo damacsan inay gaystaan falal-argagixiso.


Lakiin waayadan dambe maxkamad ku taala Minnesota ayaa daboolka ka qaaday in qaar dhalinyaradaas kamid ah aysan ahayn sidii laga baqayay markii hore. Shan kamid ah dhalinyaradaas oo lagu soo eedeeyey inay argagixiso yihiin ayay maxkamaddu ogolaatay in lagu siidaayo shuruud la'aan.

Ragaas lasii daayay laba kamid ah waxaa la cadeeyey inay waqtigooda qayb kamid ah ay la qaateen ururka Al-Shabaab oo tababar ay soo qaateen. Labadaa eedeysane bil-kadib ayaa lasii daayay waxaana la siiyay xornimo buuxda waxayna iminka la noolyihiin qoysaskooda.

"Xaakimiintu waxay ka cararayeen inay xukun khaldan kasoo saaraan umuurtan". sidaas waxaa yiri Stephen Vladeck oo wax ka bara jaamacad ku taala Washington. isagoo sii hadlayana wuxuu intaa ku daray in ragga lasii daayay aysan ahayn dhalinyaro khatar ku ah ammaanka wadanka.

20-Dhalinyaro ayaa ka tagay Mennesota sanadkii 2007 ilaa bishii October 2009 oo ku biiray kooxda Al-Shabaab, waxayna dowlada Maraykanku ururkaas ku tilmaantay inay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida.

Laakiin umuurta dareenkeeda leh waxaa weeye markii ururka Al-Shabaab ay si cad u sheegteen qaraxyadii ka dhacay dalka Uganda caasimadiisa Kampala kuna goodiyeen inay weeraro kale gaysan doonaan sida uu sheegay hogaamiye ka tirsan kooxdaas.

Wali ma cadda in dhalinyaro reer-Minnesota ah ay ku luglahaayeen weerarka Uganda, laakiin waaxda sirdoonka Maraykanka FBI waxay sheegeen inay dowlada Uganda ka caawin doonaan xaga baarista.

Wali waxaa jira dhalinyaro ay dowlada Maraykanku raadinayso oo kasoo hayaamay Minnesota waxaana wali la malaynayaa inay khatar ku yihiin ammaanka mustaqbalka.

Nin u hadlay FBI oo la dhoho E.K. Wilson wuxuu leeyahay.
"Raggaas waa khatar aan la yaraysan karin, sababtoo ah fikirka ay aaminsan yihiin iyo tababarka ay kasoo qaateen xeryaha Al-Shabaab dartood."

Baaritaanka wali lagu hayo dhalinyarada Somalida ah ee Minnesota wali ma dhamaan, dadku waxay leeyihiin arimaha dhalinyaradaas waa kuwo isku cufan, waxaa kamid ah dhalinyaro badan oo laga shakisan yahay, xaalada Somalia & sharci darada ka jirta wadankaas.

Laakiin FBI waxay leedahay wali waxaanu haynaa su'aalo aan doonayno inaanu waydiino dhalinyarada, su'aalahaas ayaanu jawaab u raadinaynaa.

Xigasho: Gedonet

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News