Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, July 10, 2010

Dagaal qasaare geystay oo ka dhacay dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay Maamusho.

CEELDIBILE:   Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Ethiopia iyo dadka deegaanka ayaa maanta waxaa uu ka dhacay tuulooyin hoostaga dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho.
Dhimashada lix ruux iyo dhaawac labo kale ayaa maanta la gaarsiiyay Isbitaalka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo laga keenay deegaanka Ceel-dibile  ee dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay Maamusho halkaasi oo ay isku farasaareen ciidamo deegaanka ah iyo kuwa Ethiopian ah.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay deegaankaasi ayaa la sheegay in ay sababeen geerida halkaasi ruux iyo dhaawac labada kale walow wararka qaar ay shegayaan in qasaaruhu uu intaasi ka badanyahay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo VOA la soo xariiray isagoo ku dhow aaga dagaalku uu ka dhacay ayaa sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo Soomaali ah oo hoostaga dowladda Ethiopia islamarkaana la magic baxay New Police iyo dadka deegaanka, waxaana uu sheegay in ciidamadaasi ayan jirin wax ay u reebanayaan dadka shacabka ah.

Ciidamadaani Ethiopianka ayaa la sheegay in dadka ku dhaqan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho ay ku hayaan cunaqabateyn xoogan waxaana sidoo kale la sheegayaa in kufsi ay kula dhaqaaqayaan haweenka ku dhaqan Tuulada Ceel-dibile ee dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay Maamusho taasi oo keentay in markii dambe ay ku kacaan dhaliyaro deeganka ah oo taageero ka helaya dadka shacabka ah.

Mid ka mid ah ciidamada Soomaalida ee la dagaalamaya ciidanka Ethiopia oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii Saakay ay kaga dileen ciidamada Ethiopia ilaa 12 askari isagoo dhinacooda tilmaamay inay jireen dad ka dhaawacmay, waxaana uu intaasi ku daray in goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Ethiopianka ay la wareegeen islamarkaana gaadiidka ay ka heysteen dadka deegaanka ay ka faramaroojiyeen.

Mara laga soo tago sheegashada ninkaani ka tirsan Ciidamadii deegaanka ee la dagaalamay kuwa Ethiopia ayaa waxaa xaqiiqo ah in fariisimihii horay ay ugu sugnaayeen ciidamada Ethiopia inay haatan joogaan ciidanka deegaanka.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News