Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, July 3, 2010

Dad ku dhaawacmay dagaalo beeleedyo ka dhacay Balambal.

Dagaal u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleedyo ayaa waxa uu ka dhacay meel duleedka ka ah degmada Balambale ee gobalka Galgaduud ayadoona dagaalkaasina ay ku dhaawacmay labo qof inta laga war helay.

Dhaqan deegaankaasi ay waxa ay halkaasi ka wadaan dadaalo ay ku dhexdhexaadinayo labadaasi beelood ayadoona wali deegaanka laga dareemayo dhaqdhaqaayo ciidan oo ay wadaan labada dhinac.

Waxgaradka ayaa waxa ay ugu baaqeen Dhinacyada gacan ka hadalka uu dhex maray deegaanka in si deg-deg ah hubka u dhigaan ayna u joojiyaan dagaalka ayadoona dadka deegaanka ay sheegayaan in dagaalkaaasi uu ahaa mid saameyn xoogan ku yeeshay saacadihii la soo dhaafay.

Xaalada deegaanka ayaa haatan ah mid dagan ayadoona dadka deegaanka ay aad uga cabsanayaan in mar kale uu dagaalka uu kusoo rogaal celiyo maadaama wali ay isu faruuryo qaniinsanayaan labadii maleesho beeleed ee halkaasi isku dagaalay
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News