Friday, July 16, 2010

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna amar ku bixiyay in la aruuriyo hubka sharci la’aant ah.

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Ciidamada amar ku siiyay inay la wareegeen hubkii aan sharci laheyn ee ay ku dhex arkaan goobaha ay ka taliyaan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow ayaa ugu baaqey shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Galgaduud ee ay gacanta ku hayaan Ahlu Sunna Waljamaaca inay diiwaan galiyaan hubka ay heystaan si loogu sharciyeeyo, isagoo intaasi ku daray in hubkii la arkaa isagoon sharci laheyn ee yaala magalooyinka ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow waxaa uu amar ku siiyay ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca in ay cidii u hogaansami weysaa amarka ay soo sareen ay kala wareegaan hubka ay heystaan ee sharci la’aanta ah, isalmarkaana ay u aqoonsadaan inay qeyb ka yihiin dadka falalka amni darida ka geysanaya Magalooyinka ay gacanta ku hayaan Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dhinaca kale xalay ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxaa ka dhaqan galay bandow ay ku soo rogeen Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana saraakiil ka tisan Ahlu Sunna ay sheegeen inay san jirin cid bandowgaasi jabisay oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Ahlu Suna Walhamaaca.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News