Tuesday, July 13, 2010

Ciidamo ka Tirsan Ahlu Sunna oo tababar loogu soo xirey Doolow.

Doolow: Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa tababar waxa loogu soo gaba gabeeyay Degmada Doolow ee gobolka Gedo iyadoo la sheegay in Ciidamadaasi ay ku soo wajhanyihiin Gedo iyo Bay.

 
Afhayeenka Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca e ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo Shariif C/waaxid Shariif Aadan oo wareysi siiyay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in tababar ay ugu soo gaba gabeeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ciidamo tiradoodu ay gaareyso 500 oo askari oo ka tirsan Ahlu Sunna waljamaaca ee ku sugan degmada Doolow.

Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamadaasi ay dhoola tus militari ka sameeyeen meel qiyaastii 15 km u jirta Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Doolow ayaa tibaaxay in ujeedka ciidamadaasi tababarka loo soo gaba gabeeyay ay tahay sidii weeraro xoogan ay ugu qaadi lahaayeen gobolada Gedo iyo Bay oo ay maamulaan ururada ashahaado la dirirka ah, waa siduu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu tilmaamay Afhayeenka inay ku rajo weynyihiin in dagaalada ay ka soo bilaabaan gobolada Bay iyo Gedo ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho.

Dhaq dhaqaaqyada ciidan oo ay wadaan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee  ku sugan degmada Doolow ee gobolak Gedo ayaa ku soo aadaya xili gobolada Bay iyo Gedo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaan kuwaasi oo iyana degtoonow ugu jira weeraro kaga yimaada ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan degmada Doolow.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News