Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, July 25, 2010

Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo dad rayid ah ku waxyeeleeyey agaarka Isgooyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ka tirsan Al Shabaab gaar ahaan kuwa fariisnta ku leh agagarka Isgooyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka raasaas ay fureeen waxaa ku dhaawacmay ilaa labo qof oo halkaasi marayey.



Sida ay wararka ay sheegayaan rasaasta ciidamada Al Shabaab ay fureen islamarkaanda dadka rayid ah ay ku dhaawacmeen ayaa ahady mid lagu bartilmaameeyd saday gaari BL ah oo marayey aaga ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin agagarka Isgooyska Bakaaraha.

Qaar ka mid ah dadka ayaa sheegaya in ciidamada rasasata furay shaki ay ka qaadeeen gaarika BLka ah hasa ahaatee dadka dhaawaca ah ayaa ahaa kuwa lug ku socday agagarka gaariga rasasata lagu Hoobiyey.

“Labo qof ayaa dhaawcantay labadii qof gaari ayaa la saaray, waxaana ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen Al Shabaab, runtii ma garaneyno sababta ay rasaasta u fureen laakiin inta u dhaxeysa Dabka iyo Bakaaraha xili walba waa ay ka dhacdaa rasaas taas la mid ah” ayay tiri haweeneydaasi oo diiday magaceeda sababao la xariira amaanka.

Lama oga u jeedada dhabta ah ee ciidamada rasaasta ay gaariga ugu fureen, hasa ahaatee ciidamada Al Shabaab ayaa looga baran falalka ceen kaani oo kala ah.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News