Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, July 3, 2010

Ciidamada amaanka Puntland oo howl gal ka seemeeyay Boosaaso.

Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa daba gal ku haya weerar qarax ah oo habeen hore ka dhacay magaalada Boosaaso.


Xalay ayaa ciidamadaasi waxaa ay sameeyeen howlgal lagu sugayo ammaanka magaaladaasi Boosaaso ee maamulka Puntland, ma jiro cid loo soo qabtay weerarkaasi, sida uu sheegay taliska ciidanka Police-ka Boosaaso.

Weerarkaasi ayaa waxaa lala beegsadaya gaari uu watay gudoomiyaha gobalka Bari, waxaana wax ku noqday qaar ka mid ah ilaaladiisa sida ay sheegayaan ilo wareedyo halkaasi ku sugan oo aan la xariirnay.

Ugu danbeyntii xaalad amaan ee magaalada ayaa baryihii ugu danbeysay aheyd mid aad u wanaagsan ayadoona ciidamada amaanka Boosaaso ay ahaayeen kuwa aad u sugayay amaanka guud ee magaalada Boosaaso.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News