Wednesday, July 7, 2010

Baarlamanka dalka Kenya oo ka walaacsan ciidama geynta Soomaalia.

Faarax Macalin Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dowlada Kenya oo la hadlayay saxaafada ayaa waxa uu si kulul uga soo horjeestey go’aankii dhawaan ay gaareen Urur goboleedka IGAD kaas oo ahaa in ciidamo ka socda dallka safka hore loo diro dalka Somaliya .


isagoona hoosta ka xariiqay in arimaha Soomaaliya ay yihiin kuwa marba marka ka sii danbeysay ay sii holcayaan “xalka somaliya waxaa uu ku jira in ay wadahadlaan dhinacyada isku haya siyaasada” sidaasina waxaa yiri Faarax Macalin.

Masuulkaan ayaa Waxa uu si cad ah ugu soo horjeestey in ciidamo ka socda Kenya loo soo diro Somaliya, isagoo sheegey in ay suurogal aheyn xiligan in dowlada Kenya ay ciidamo u dirto somaliya islamarkaana aysan dhici doonin “Waxan ka soo horjeedna Go’aankii ka soo baxay shirkii IGAD mana ahan go’aan wax ka badalaya xaalada somaliya in uga sii daro muuye marka ma doonayno in ciidamo dalkeyna ah loo diro somaliya “ayuu yiri faarax macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka barlamaanka somaliya .

Ugu danbeyntii dhawaan ayay aheyd kolkii kulan aaan caadi aheyn ay ku yeesheen madaxda qaarada Afrika halkaa oo ku go’aansadeen in Dowlada KMG Somalia lagu taageero Ciidamo gaaraya ilaa iyo 20 kun oo askari si arimaha Soomaaliya xal loogu helo.

Dalkayaga@gmail.com





0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News