Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, July 9, 2010

Al Qaadi “ Dad qab qablayaal ah ayaa sheeganaya Ahlu Sunna si ay wasiir u helaan”

Afhayeenka ahlu Sunna Waljamaaca Abuu YUusuf Al Qaadi ayaa mar kale dhaliilay xukuumada KMG  isagoo sidoo kale beeniyay in xubno iyaga matala ay ka mid yihiin golaha wasiirada ee dhawaan la magacaabay.
Madaxa Warfaafinta Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al qaadi oo xalay wareysi gaar ah Siiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay heshiiskii u dhaxeeyay Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG.

Al Qaadi waxaa uu mar kale ku celiyay inaysan jirin cid matasha Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka mid noqday golaha Wasiirada Xukuumada KMG, waxaana uu tilmamay in raga wata magaca culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka been sheegayaan magacaasi, isagoo ku tilmaamay ragaasi inay yihiin rag dambiilayaal ah oo dadka iyo dalka dambi ka galay.

“Dad la leeyahay Waxaa ay isbaaro dhiganayaan xaafadaha Muqdisho qaarkood hadana la leeyahay waa Ahlu Sunna, waan maqleynaa qab qablayaal iyo hogaamiye kooxeed meelo kala duwan jooga oo sidaasi oo kale la leeyahay wax ay leeyihiin waxaan nahnay hogaankii Ahlu Sunna Waljamaaca, shacabka Soomaaliyeed waxaan rabnaa in aan u cadeyno Ahlu Sunna Waljamaaca furin kale ayaa ku furantay taasi oo ah in magacii, Sharafkii iyo qiimihii Ahlu Sunna lagu cayaarayo” ayuu yiri Al Qaadi.


“Caalamka waxaan ka codsaneynaa inay soo fara galiyaan arinkaani islamarkaana ay arkaan in dowladu ay ka baxday heshiiskii Ahlu Sunna, waana been wararka sheegaya in Ahlu Sunna ay qeyb ka tahay golaha Wasiirada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Yuusuf Al Qaadi.

Hadalka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa imaanaya xili dhawaan isku shaadheyn lagu sameeyay golaha Wasiirada ee Xukuumada Ra’iisul wasaare Sharma’arke islamarkaana la shaaciyay in xubno ka tirsan Ahlu Suna Waljamaaca ay ka mid yihiin Wasiiradii la magacaabay.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News