Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, July 3, 2010

Ahlusunna ” Axmed Cabdi salaam nagama tirsana”

Afhayeenka culuma’udiinka Ahlusunna-waljameeca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi oo maanta la hadlay saxaafadda Muqdisho ayaa gaashaanka u daruuray hadal uu sheegay in beryahaan la isla dhex marayay oo ahaa in siyaasiga Axmed C/salaam Xaaji Aadan
uu kamid yahay golaha wasiirada cusub ee dowladda KMG isagoo matalaya culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca.

Al-qaadi ayaa sheegay in Axmed C/salaam uu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uunanna matali Karin Ahlusunna-waljameeca.

Al-qaadi ayaa yiri ” anagu hadaan xubno ku darsaneyno dowladda KMG waxaan kusoo dareynaa wajiyo cusub oo is bedel keeni kara balse ahlusunna kama tirsanna qof horey jago uga soo qabtay dowladda KMG Soomaaliya”.

Dhinaca kale Al-qaadi ayaa dhaleeceyn dusha kaga tuuray duqeynta magaalada Muqdisho loogu geeysto dadka rayidka ah oo an waxba galabsan.

Ugu dambeyn ayaa Abuu yusuf waxa uu hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo sida xornimada leh oo ay madaxweyne u doorteen, isagoo Daahir Riyaalena ku amaanay sida usluubta leh ee uu u aqbalay in doorashadii lagaga guuleystay

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News