Sunday, July 11, 2010

Ahlusuna waljameeca oo ku eedeyay Itoobiya in ay xasuuq ka geysatay tuulada Ceel dibir.

Ururka Ahlusunna waljameeca ayaa maanta si kulul u canbareeyay xasuuq ciidamo itoobiyan ah ay ka geeysteen tuulo ka tirsan gobolka war dheer oo lagu magacabo Ceel dibir taaso ciidamo Itoobiyaan ah ay ku dileen ilaa in ka badan 15 ruux oo ka tirsanaa wax garad, odeyaal iyo dhalin yaro ku dhaqnaa degmada Ceel dibir.



Sheekh Bashiir Cabdi Colaad oo ah xog hayaha arimaha dibada ee ururka Ahlusuna Waljameeca oo u waramayay idaacadaha maxalaiga ah ayaa sheegay in dadka la laayay ay ahaayen taagerayaasha Ahlusuna waljameeca ciidamada Itoobiyanka ee xasuuqaasi geestayna ay kala hadleen dowladda KMG iyo dowladda Itoobiya ilaa imikana aysan muuqan wax laga qabtay.

Waa markii ugu horaysay ee ururka Ahlusunnah Waljameeca ay u jeediyaan ciidamada dowladda Itoobiya cambaareyn ku saabsan in ay xasuuq u geeysteen dad soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Xasuuqa ay u geysteen ciidamada Itoobiya qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka War dheer ayaa kusoo beegmeysa xili si weyn loo hadal hayo in soomaaliya ay imaanayan ciidamo ka socda dowladda Itoobiya kuwaasi oo qeyb ka noqon doono ciidamada midowga Afrika ee jooga Soomaaliya


Dalkayag@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News