Sunday, July 25, 2010

AFhayeenka Ahlu Sunna ” Shabaabka Galgaduud waa kala jabay dhowaan gobolka waan ka saari donaan”

Afhayeenka xoogagga Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/Raxmaan Sheekh C/hi Abuu Yuusuf Alqaadi oo la hadalay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ku kala jabeen gobolka Galgaduud islamarkaana qaar ka mid ah ay bilaabeen in ay u goostaan dhinaca Ahlu Sunna.



Sido kale waxa uu sheegay Al qaadi jabka ku yimid saraakiisha Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud iyo ciidamadooda ay sababtay in ay ku fashilmaan qorshaha uga oodan gobolka Galgaduud, waxa uuna wacad ku maray in dhowaan Al Shabaab ay ka sifeeyn doonaan qeybo gobolka Galgaduud ay uga sugan yihiin.

“Sida aad ogsoontihiin cadowgii taayeeradii ayaa ka banjaray maleeshiyaadkoodiina waa ay kala tageen, waxaana haatan ay dantu ka saari weysay markii ay bateen goosadkoodii inay laayaan ciidamada ka goosanaya oo ay ku dileen in badan oo ka mid ah Ceeldheer iyo Ceelbuur” ayuu yiri Abuu Yuusuf Al qaadi
Inkasto Afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh C/Raxmaan Abuu Yusuf oo sheegay in Al Shabaab ku fashilmeen.

Gobolka Galgaduud dhowaan ay ay ka sifeeyn doonaan ayaa waxa jirata in horay dhowr jeer dagaal gobolka Galgaduu uu ku dhaxmaray Al Shabaab iyo Ahlu Sunna islamarkaana si toos labada dhinac uu midba ku adkaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News