Sunday, June 6, 2010

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo sharci daro ku tilmaamay doorashada

C/laahi Daahir Barre oo ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashadii shalay ka dhacday guriga umadda oo lagu doortay gudoomiye ku xigeenka koowad ee baarlamanka.


Xeer ilaaliyaha oo wareysi siiyay Hornafrik ayaa ku hanjabay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid alla cidii ku lug yeelatay doorashadaasi.
Waxa uu Mr-Barre sheegay in arinta shalay dhacday ay hor seedi karto in qof walba uu iska sameeyo waxa uu doono, isagoo tilmaamay in wasiirada xitaa ay xilalkooda kala xoogi doonan hadiiba la aqbalo arintaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka kasoo xeeray xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa u muuqda mid uu ku taageerayo prof. Maxa’ed Cumar Dalxa oo wali sheeganaya in uu yahay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Lama oga waxa u yeeli doono Guddomiyaha cusub ee baarlaamka Sharif Xassan. Dhan kale, Sheiikh Shirif ayaa lagu eedaynayaa inuu lug ku lee yahay carqaladdan cusub ee ka taagan doorashada guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baaarlaamka. Illo ku dhow dhow Shikh Shirif ayaa sheegaya inuu taageerayo in Prof. Dalxa laga tuuro jagadiisa oo haataan hayo.

Dalkayaga@gmail.com

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News