Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, June 4, 2010

WHO oo shaaca ka qaaday inuu Somalia ka jiro cudurka daacuunka.


Ururka caafimaad aduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaaday in kiisaska cudurka daacuunka uu ku sii kordhayo dalka Somalia kadib markii dagaalada u dhexeeya ciidamada dawladda iyo kuwa mucaaradka ay ku qasbeen dad badan inay ka firxadaan guryahooda.

Afhayeen u hadlay hay,adaasi oo lagu magacaabo Paul Garwood ayaa sheegay in hal Isbitaal oo kaliya oo Muqdisho ku yaala uu todobaadkii hore qaabilay 132 qof oo uu soo ritay cudurka daacuunka kuwaasoo intooda badan ay ahaayeen caruur, isagoo intaa ku daray in tirada boqolayda ah ay korodhay boqolkiiba 27 marka la eego todobaadkaasi kii ka horeeyay.
Paul Garwood ayaa sheegay in kiisas kale oo cudurkan ah laga soo wariyay qaybo kale oo kamida Somalia.
Inkastoo hay,adu aanay hayn tiro dhaba hadana waxa uu sheegay afhayeenka u hadlay WHO maanta oo jimace ah in tirada u dhimatay cudurkan daacuun caloolaha ay kor u dhaafayso 31 qof.
Dagaalada u dhexeeya xoogaga islamiga ah iyo dawladda reer galbeedku taageero ayaa dibad yaal ka dhigay tobanaan kun sanadkan oo kaliya. In badan oo kamida dadka ku haray dariiqyada caasimada ayaan haysan biyo nadiifa iyo adeegyada aasaasiga ah sida ay qortay wakaalada wararka ee AP.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News