Monday, June 28, 2010

WFP oo raashin ka qeybisay Galgaduud

Hay,adda WFP oo soo gabagabeeysay deeq macaawino raashina oo ay gaarsiisay barakacayaasha ku nool magaaladda Dhuus-mareeb iyo tulooyinka hoosyimaada.


Deqdaan macaawinadda ah ayaa isugu jirtay masago, galleey ,digir, boorash iyo saliid,waxaana raashinkaan oo ka yimid hay,adda WFP dadkani tabaaleysan uqaybiyay NGO Towfiiq oo cuna qaybinta uqaabilsan hay,dda WFP xarunta gobolka galgaduud ee dhuus-mareeb iyo deegaanada hoosyimaada.

Qaybinta raashinkani ayaa ku dhamaatay sidii loogu tala galay iyada oo ay ka faa iideysteen sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiinta NGO towfiiq in ka badan 10-kun oo qoys,waxaana intaas kadib bahda saxaafadu ay la kulmeen dadkii la gaarsiiyay raashinkan kuwaa oo sheegay in si wanaagsan ay uheleen.

Si kastaba ha,ahaatee ma,aha markii ugu horeysay oo ay hay,adda WFP ay raashin gar gaara soo gaarsiiso dadka barakacayaasha ee ku nool degmada Dhuus-mareeb iyo tuulooyinka hoosyimaada isla markaana ay ka faaii’deystaan dadka tabaalaysan ee deeganadaan ku nool.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News