Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, June 28, 2010

Waziir ka tirsan Puntland oo ay rasaaseeyeen ciidamda Somaliland

Ciidamo ka tirsan Somaliland ay la sheegayaa in maanta ay rasaas la eegteen gaari uu watay Wasiirka arimaha gudaha Maamulka goboleedka Puntland C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo Ilaaladiisa oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Sool.


mana jirto ilaa haatan cid si toos ah ugu waxyeeloowday rasaastaasi oo la sheegayo in ay socotay mudo daqiiqado oo hakad galisay dhamaan isku socdka dadka iyo gaadiidka deegaanka oo markii danbe caadi ku soo laabtay.

Waziirka ayaa la sheegayaa in haatan xaaladiisa caafimaad ay tahay mid caadi ah waxa ayna daba socotaa xiisado dagaal oo baryihii ugu danbeeyay ka dhax aloolsanadeen dadka deegaanka iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Inta badan labada maamul ayaa la sheegayaa in ay aad ugu muransanyihiin deegaano badan oo kuyaal xuduudka labada maamul waxaana deegaanadaasi ay yihiin dadka ku dhaqan kuwa aan la dhacsaneen waxa ay ku kacayaan ciidamada Maamulka Somaliland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News