Sunday, June 13, 2010

War Deg Deg ah: Qarax culus oo goordhow ka dhacay magaalada Nairobi.

Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka kenya ayaa waxa ay sheegayaa Daqiiqado ka hor ayaa magaalada Nairobi ee dalka kenya uu ka dhacay qarax xoog leh oo geeystay qasaaro isku jira dhismasho iyo dhaawac dad fara badan , waxaa uuna ka qaraxaasi ka dhacay goob uu banaan bax ka socday oo la yiraahdo Uhuru Park oo ku taala Townka magaalada Nairobi.



Qaraxa oo ahaa mid laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Nairobi ayaa lagu waramayaa in lala eegta dad banaanbaxayaal ah oo ka soo horjeeday dastuur cusub oo dhowaan loo sameeyey kenya .

Dadka Bananbaxa dhigayey oo isku jiray dad kale duwan ayaa haatan qasaaraha waxaa lagu sheegay dhimashada in ka badan 3 ruux iyo dhaawac ku dhowaad 80 kale .

Ciidamada Amaanka Dowlada Kenya ayaa goobta soo gaaray daqiiqo ka dib marka uu qarax dhacay, waxa ayna isku gadaameen goobta qarax lala eegtay, sidoo kale waxaa goobta qarax haatan ku sugan gawarida qaada dhaawacyada kuwaasi haatan daad gureeynaya dhaawac qarax ku waxyeeloobay.

Inkastoo wali qarax faafaahin ka soo bixin ayaa waxa hubaal ah in uu sameeyn ku yeelan doono dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka kenya , kuwaasi oo horay dowlada Kenya ku sheegtay in ay qatar ku yihiin amaanka Dalkaasi.
 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News