Friday, June 25, 2010

War Deg Deg ah; Dagaal Ka soconaya Kalabaydh

War deg deg ah oo hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in uu dagaal Culusi ka qarxay aaga Gobolka Sool. Dagaalkan ayaa hada si xawli ah uga soconaya magaalada Kalaybaydh oo dhinaca Koonfureed kaga beegan Laascaanood. Ciidamada SSC
ayaa caawa waxay Aagag badan ka bilaabeen dagaal qadhaadh kuwaasoo ay kaga sifeenayaan deegaanka SNMta.


Dagaalkan ka dhacay Kalabaydh ayaa la xaqiijiyey in lagu qabsaday gawaadhi kale oo sidey Sanaadiiq iyo weliba gaadhi nooca loo yaqaano Surfta ah, ciidamada SSC ee sifeynta wada ayaa weli waxay ka dagaalamayaan labo aag oo kala ah Aaga Widhwidh ee gobolka Cayn iyo Kalabaydh oo ah dhanka Gobolka Sool.

Waxii wara ee ka soo kordha la soco.

Jidbaale.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News