Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, June 22, 2010

Soomaalida Koonfur Afrika Ku nool oo walaac ka muujiyey Howgalo ka socda Dalkaasi

Dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koofur Africa ayaa walaac xoogan ka qaba Howgal Ciidanka koofur africa ka wadan Magaalada Johanasbarg ee wadnka koofur africa kaa oo ay ku baadi goobayaan cidii ka danbaysay dilkii Sargaal ka tirsanaa dalka Runwaanda.

Booliiska ayaa xabsiga u tixaabay dad lala xariirinayo dilka Janaraalkaa wadanka runwaanda u dhashay oo halkaa masaafuris u joogay sida sarakiil ka tirsan dalka Koofur Africa u sheegeen BBC qaybtteda afka ingaliishka ku hadasha.

Soomaalida ayaa sheegay in ay ka baqdin qabaan in arintaan samayn ku yeelato waxaana booliiska goobaha uu aadka uga baaryo dadka falalkaa lala xariirinayo ka mid ah goobaha ay ajaaniibta dalkas ku dhaqan degan yihiin.

Xasan Cali abuukar oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkas ayaa u sheegay Wargayska Daily Nation in ay booliisku waydiiyeen su.aalo la xariira dilka Janaraalkaas waxa uu kala socdo.

Hasa ahatee waxa uu tilmaamay in ay oo u sheegay in uusan arintaa wax lug ku lahayn oo aysan ka warqabin gacana ciidanka amniga ka siin doono hadii uu la kulmo cid falkaa ku lug leh.

Saraakiisha amniga dalka koofur africa oo ay iminka ka socdaan ciyaaraha aduunka ayaa shaaciyay in ay falalkaa laga yaabo in ay lug ku leeyihiin Soomaalida ku dhaqan dalkas .

Walow arinta Soomalida ku dhaqan dalaks ay ku sheegen mid aysan waxba kala socon oo la iska meela awaalayo waxa ayna ka codsadeen saraakiisha amniga in arintaa aysan soomaalida wax samayn ah ku yeelan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News