Monday, June 7, 2010

Shariif Xasan oo Muqdisho ka dhoofay.


Afhayeenka baarlamanka KMG Shariif Xasan Sheekh Adem ayaa maanta ka dhoofay magaalad Muqdisho isagoo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inta uu joogo inuu la kulmo safiirada shisheeye ee ku sugan magaalada Nairobi iyo diblomaasiyiinta daneysa arimaha Soomaaliya eek u sugan halkaasi.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu dibada ugu anbabaxo tan iyo markii dib loogu doortay inuu noqdo Afhayeenka baarlamanka KMG ah.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News