Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, June 17, 2010

Saraakiil Puntland ah oo Gaalkacyo kusoo bandhigay walxo qarxa oo ay soo qabteen.

Saraakiisha sar sare ee amaanka gobolka Mudug ayaa Saldhiga bartamaha magaalada Gaalkacyo waxay ku soo bandhigeen gabar 15 sano jirta iyo gaari gacan ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa oo ka kooban saddex shey.


Taliyaha Saldhiga Bartamaha Gaalkacyo Cawil Billey ayaa ka warbixiyey habkii lagu soo qabtey gabadhan yar iyo qaraxa ay wadey, isaga oo sheegay in ay bixisay cadaymo dhab ah oo ku saabsan meeshii ay ka keentay iyo halkii ay u wadey alaabadaasi qaraxda oo ay ku waday gaari gacan nooca xoogsatadu ku shaqeysato.

G/sare Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi) oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay sida ay ugu guuleysteen ciidanka Boolisku in ay soo qabtaan waxyaabahaasi qarxa, isla markaana ay ka hortageen fal lagu dhibaateyn lahaa shacabka sida uu hadalka u dhigay Taliyuhu.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News