Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, June 30, 2010

Raila Odinga, Oo Qaliin Lagu Sameeyay

Raysal Wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa lagu soo waramayaa in qaliin lagaga sameeyay maxkaxda ka dib markii ay dhakhaatiirtu sheegeen in madax xannuun iyo daal badani hayo.


Dhakhaatiirta u gacanta ku haysa xaalada caafimaad ee Raysal wasaaraha ayaa cadeeyay in qaliinkani uu ahaa mid fudud oo si fiican loogu guulgystay, caafimaadka Raysal wasaaruhuna ay aad u wanaagsan tahay wakhti xaadirkan.

Si kastaba ha ahaatee Raysal wasaare Raila Oding, ayaa la sheegay in aanay ka muuqan wax calaamado ah oo muujinaya in uu xanuunsanayo marka laga yimaado madax wareer yar oo ku kalifay in uu Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkan uu tago Cusbitaal ku yaala magaalo madaxda Kenya ee Nairobi.

Dhinaca kale baadhitaano ay sameeyeen dhakhatiir khaas u ah Raaysal Wasaaraha ayaa ka dhawaajiyay in ay ogaadeen dhaawac maskada ka asiibay oo lagama maarmaan ka dhigay in qaliinkan fudud lagu sameeyo.

Warku waxa kale oo intaa ku daray in Raysal wasaaraha laftiisu uu qirtay in saddex wiig ka hor uu dhaawac soo markii uu madaxa si lama filaan ah ugu dhuftay mid ka mid ah baabuurtiisa isaga gaarka u ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay shaaciyeen in uu Raysal wasaaruhu cusbitaalka ku jiri doono Shanta caano maal ee soo socda, Geesta kale Sawiro muuqaal ah oo lagu daabacay wargeysyadda iyo telefishinnada dalka Kenya ayaa muujinayey Raila Odinga oo qoslaya oo si caadi ah ugu sheekeynaya qaar ka mid ah eheladiisa, asxaabtiisa siyaasadda iyo diblomasiyiinta shisheeye oo ku booqday Cusbitaalka lagu daawaynayo.

Raysal wasaare Odinga oo ay da"diisu haatan tahay 65 jir, ayaa lagu sifeeyaa in uu yahay shakhsi karti badan oo ka mid ah siyaasiinta ugu magaca iyo firfircoonida badan Kenya, isaga oo beryahayn danbe oo dhan ku mashquulsanaa dadaal xoog leh oo uu ugu jiray sidii loo ansaxin lahaa dastuurka qabyada ah ee la filayo in aftida loo qaado wiigaga inugu soo fool leh.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News