Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, June 23, 2010

Puntland oo Itoobiya kala hadleysa dagalkii Buu-hoodle

Maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ayaa wada qorshe ay Itoobiya kagala xisaabtameyso dhibaatadii ka dhacaday magaalada buuhoodle ee gobolka Ceyn halkaasi oo dagaal uu ku dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyooyin deegaanka ah uu sababay dhimashada dad rayid ah iyo ciidamo itoobiyaan ah.


Si arintaasi Itoobiya loogala hadlo ayaa madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdi Samad Cali Shire oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxa uu maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, isagoo kusii jeeda magaalada Adisababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegayaa arinta ugu weyn ee ugu socdo magaalada Adis ababa ay tahay in dowladda Itoobiya uu kala hadlo dagaalkaasi iyo qasaarihii ay ciidamada Itoobiya gaarsiiyeen dadka rayidka ah.

Goor sii horeysay ayaa madaxweynaha Puntland C/raxmaan sheikh Maxa’ed Faroole waxa uu sheegay in Itoobiya ay kula xisaabtamayaan qasaaraha ay gaarsiiyeen dadkii rayidka ahaa eek u wax yeeloobay dagaalkaasi ka dhacay Buuhoodle.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa magaalada adis ababa lagu wadaa in uu kulan kula qaato wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Siyuum Musfin, waxaana safarkiisa ku wehliya afar wasiir o ka tirsan maamulka uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News