Wednesday, June 30, 2010

Prof Cabdi Ismaaciil samatar ” waxan wadnaa barnaamijyo la isugu keenayo Soomaalida”

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamida aqoonyahanada dibad joogga ah ee Soomaalida ayaa sheegay in ay wadaan isaga aqoonyahano kale oo Soomaali ah qorshe balaaran oo la isugu keenayo soomaalida qeybeheeda kala duwan, laguna dhameynayo dhibaatada Soomaaliya ka jirta mudada kasii siqeysa labaatanka sano.

Profesoorka ayaa u sheegay aqoonyahanada ku sugan dalka gudihiisa ee muwaadiniinta ah in laga doonayo shaqo badan oo ay ka qabtaan barnaamijkaas ay soo wadaan.


Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in sedexdii dowladood ee ugu dambeysay ee kumeel gaarka aheyd ee Soomaaliya soo marta ee kala ahaa tii C/qaasim, tii C/laahi Yuusuf iyo tan Shariif ee hadda jirta ay usoo bandhigeen qorshayaal wanaagsan oo lagu badbaadinayo Soomaaliya iyagoo aan wax jago ah ka dooneyn balse laga diiday barnaamijyadii ay keeneen.

Dhinaca kale Prof cabdi Ismaaciil Samatar ayaa weeraray hadalkii uu jeediyay Shiekh Shariiif Sheekh Axmed 26-ki June, isagoo sheegay inuu ku qaldanmaa adeegsashada areyga Somaliland.

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ah aqoonyahan si weyn u falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, isagoo ahaa aqoonyahankii ugu horeeyay ee sheega in dowaldii Jabuuti aaney meelna gaareyn oo waxba aaney soo kordhineyn.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News