Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, June 14, 2010

Naafada xoogga dalka oo ka cabanaya madafiic ku hoobaneysa isbitalka Martiini


Ciidamada naafada xoogga dalka Soomaaliya ee deggan isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujinaya madaafiic sacadihii lasoo dhaafay kusoo hoobatay dhismayaasha ay ka daganyihiin isbitalkaasi.

Afhayeenka naafada xoogga dalka Soomaaliya Cabdi Mahad Cali oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee mgaalda Muqdishu ayaa sheegay in ay ku dhowyihiin in ay ka cararaan guryahooda oo uu sheegay in dhowr madfac ay kusoo dhacday saacadihii lasoo dhaafay inkastoo wax qasare ah aysan geysan.
Dhinaca kale afhayeenka ayaa eedeyn usoo jeediyay ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda KMG ahna wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda C/raxmaan xaaji Aadan Ibbi oo uu ku eedeeyay in uu ka been sheegay oo uu idaacadaha ka yiri in uu gacanta ku hayo naafada xoogga dalka balse arintaasi aysan laheyn wax sal iyol raad ah.
Waxa uu sheegay afhayeenka in aysan jirin wax dayactir ah oo dowladda ay ka sameyasay isbitalka Martiini balse ay jiran dhismayaal aan loo baahneyn oo ay wax xoogaa la naash naashay.
Dadka intooda badan ayaa waxa ay xusuustaan wixii ka dhacay isbitalka Martiini 11-kii September sanadii 2009 markaasi oo laba madfac ay ku dhacday gudaha isbitalka Martiini ay sababtay dhimashada 10 kamida naafada xoogga dalka iyo eheladooda iyo dhaawaca ku dhowaad 15 kale.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News