Wednesday, June 2, 2010

Mudaaharaad balaaran oo looga soo horjeedo weerarkii Yuhuudda



Isu soo bax aad u balaaran ayaa ku qabsoomay faras magaalaha caasimada 2-aad ee dalkan Sweden ee Goteborg kaasoo ay kasooo qayb galeen kumanaan qof oo ka tirsan deganayaasha magaalada kuwaasoo aad uga dhiidhinayay falkii bahalnimada ahaa ee lagu xasuuqay dad 20 qof ka badan tira kalana lagu dhaawacay.

Dadka kasoo xaadiray mudaaharaadkan cabashada ah ayaa ku qaylinayay ``ha dhacdo Israel, Hala go´doomiyo Yuhuudda iyo ha guuleysto kacdoonka Falastiin``,waxaana u khudbeynayay gayfanayaal u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Insaanka iyo qadiyadda Falastiin, kuwaasoo isugu jirey dad ka socdey dhinacyada diimaha iyo ururada bulshada iyo dad kasoo jeeda dalal dibadda ah, waxaana dadkii goobta ka hadlay ka mid ahaa Cabdi Rizaaq Waaberi oo ah gudoonka sare ee dalladda Muslimiinta dalkan Sweden.
Mudane Waaberi oo markii uu khudbadeeyey aan waydiiyay waxa u qorsheysan iyaga ka urur ahaan ayaa ii sheegay inay dowladda Sweden oo iminkaba u yeertey safiirka Yuhuudda u fadhiya Sweden, ay kala hadli doonaan sidii gebi ahaanba ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jari lahayd dowladda Yuhuudda.

Maraakiibtan oo gaarayay ilaa 6 markab ayaa doonayay i gargaar gaarsiiyaan marinka Gaza kahor intii aanay soo guulin ciidamada Komaandooska Yuhuudda oo rasaas aan loo aaba yeelin ku faraqay dadkii saarnaa mid ka mid ah maraakiibta iyadoo afhayeenka dowladda Yuhuudda Mark Regev uu ku qiil sameeystay in lasoo hujuumay oo la daandaansaday inkasta oo maraakiibtani ku sugneyd biyaha caalamiga ah, sidoo kale Wasiirka 1-aad ee dalka Yuhuudda Benjamin Natanyahu ayaa isna si digasho ah ugu mahadceliyay ciidamada qalabka sida ee Yuhuudda.
udaaharaad kan oo kale ah oo ay kasoo qaygaleen ilaa 7000 oo qof ayaa isna ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Stocholm iyadoo dadka iminka gacanta ugu jira Yuhuudda ay ka mid yihiin ilaa 9 qof oo u dhalatay dalka Sweden oo uu ka mid yahay nin caan ah oo Muslim ah kana tirsan axsaabta dalkan kaasoo lagu magacaabo Mehmet G√ľner Kaplan oo sidoo kale kujiray baarlamanka dalkan Sweden tan iyo 2006-dii.
Marinka Gaza oo ka tirsan labada gabal ee ka haray dhulkii ay Yuhuuddu ku xalaalaysatay dagaaladii is xigxigey ee Carabta iyo Yuhuuda oo ay ka taliyaan Kooxda Xamaas ayaa Yuhuudda u go'doonsanaa ilaa iyo 2006-dii oo si xor ah loo doortay xukuumad ay iyagu hogaaminayeen balse ay reer galbeedku gaashaanka u dhigeen.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News